Madaxweynaha dalla Venezuela oo ka dalbaday Ruushka iyo Iran hub iyo diyaarado uu Mareykanka kula dagaallamo
Madaxweynaha dalla Venezuela,Nicolas Maduro ,taageerro deg deg ah oo milatari ka dalbaday dalalla Ruushka , Shiinaha iyo Iiraan, xilli dalkaasi xiisada kala dhaxeysa Mareykanka uu sii kordhayo.
Maduro , ayaa la sheegay in codsiga uu Ruushka u dirsaday uu ka koobanyahay gantaallo, dayactir nidaamyada raadaarka, iyo hagaajinta diyaaradaha dagaalka, halka Shiinaha iyo Iiraan uu waydistay diyaarado aan duuliye lahayn, nidaamyada ka hortagga , iyo qalabka carqaladeeya GPS-ka si ay u xoojiyaan difaaca.
Warkan wuxuu soo baxay waxyar kaddib markii warbaahinta Mareykanka ay baahisay inuu Mareykanka weerarro ka fulin karo gudaha Venezuela, wallow Madaxweyne Trump uu markii dambe sheegay inuusan wali go’aan gaarin.
Mareykanka, ayaana doonata in xoog xilka uga tuuraan Madaxweynaha dalka Venezuela oo khilaag kala dhaxeeyo, waxaana la sheegay in Madaxweyne Trump ka go’an tahay in weerar ku qaado dalkaasi, si xukunkq uga tuuro hoggaamiyahan mayalka adag.