Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada ammaanka Kenya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka billaabay xadka Soomaaliya

Ciidamada ammaanka Kenya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka billaabay xadka Soomaaliya

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada deegaanno dhaca Xadka Soomaaliya, Ciidankaan ayaa la sheegay in ay heleen xogo la xiriira xubno katirsan Shabaab oo la sheegay in ay isaga kala gudbayaan labada Dal.

Ciidanka Militariga oo garab ka helaya kuwa gaarka u tababaran ee GSU ayaa dadka deegaanka weydiiyay su’aalo la xiriira in ay arkeen dad aan deegaankooda kasoo jeedin oo isaga kala gudbaya deegaannada qaar sida wararku sheegayaan.

Saraakiil katirsan hay’adaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in marka la gaaro bilaha ugu dambeeya sanadka in ay ‘AS’ kordhiyaan weerarrada ka dhanka ah Dadka rayidka ah iyo mas’uuliyiinta u dhashay Dalkaas.

Dhowr jeer Xukuumadda Nairobi waxa ay soo bandhigtay dad Isugu jira Muwaadiniin u dhashay Dalkaas iyo kuwa Ajaanib ah oo ay ku sheegeen in ay u gudbayeen Soomaaliya, waxaa looga shakiyay in ay ku biirayeen ‘AS’