Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Laba Xiddig Oo Arsenal Ka Dhaawacmay Kulankii Burnley

Laba Xiddig Oo Arsenal Ka Dhaawacmay Kulankii Burnley

Tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay soo gaareen laba dhaawac intii lagu jiray guushii 2–0 ee ay ka gaareen Burnley Sabtidii.

Viktor Gyökeres iyo Declan Rice ayaa dhaliyay goolashii qeybta hore, taasoo Arsenal ku sii haysay wadada guulaha ee Premier League, waxayna haatan leeyihiin farqi toddobo dhibcood ah oo ay ku hogaaminayaan horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, guushaas waxaa wehelisay dhibaato dhinaca dhaawacyada ah, kadib markii Gyökeres laga saaray ciyaarta nasashada sababtoo ah xanuun muruqa ah, halka Martin Zubimendi isna uu codsaday in la beddelo qeybta labaad, waxaana beddelay Christian Nørgaard.

Arteta ayaa sheegay: “Waxaan qasab ku noqonnay inaan Viktor ka saarno sababtoo ah wuxuu dareemayay xanuun yar oo muruqa ah. Martin isaguna isagaa codsaday in la beddelo, sidaas darteed waa inaan sugnaa oo aragnaa xaaladooda.”