Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo si kedis ah u tagay Xarunta lagu bixiyo kaarka aqoonsiga qaranka ee Hay’adda NIRA ku leedahay Degmada Hodan ayaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay haweenku jiiftaan ama habeenkii ay tagaan xarumaha kaarkaas lagu bixinayo.

Xamsa Cabdi Barre ayaa Hay’adda NIRA faray in ay kordhiso shaqada ay heyso iyo shaqaalaha shaqeynaya si ay sahlanaato bixinta kaarkaan oo safaf dhaadheer oo weliba waqtiyada habeenkii ah loo galo meesha looga saaro.

Xamsa ayaa khatar amni ku sifeeyay in Haweenku jiiftaan meelaha lagu bixiyo kaararka aqoonsiga Qaranka, waxa uu faray maamulka Hay’adda NIRA in Dadka loo fududeeyo bixinta adeeggaan sida uu hadalka u dhigay.

“Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah” RW XFS, Xamsa Cabdi Barre.

Falcelin ayaa ka dhalatay sawirro laga soo qaaday mid kamid ah xarumaha Hay’adda NIRA ay ku bixiso kaarka aqoonsiga qaranka kaddib markii Haween waqti dambe ay jiifeen goobaha safafka lagu galo taasi oo jawaab degdeg ah dhalisay in Xukuumadda ka muujiso.