Taliye sare oo katirsanaa Ciidanka SRF oo lagu dilay howlgal gaar ah
Ciidanka milatariga Sudan, ayaa lagu soo warramayaa in ay dileen saraakiil iyo ciidamo katirsanaa kooxda RSF ee dagaalka kula jirta, waxa uuna dilkan imaanayaa xilli kooxdaasi xasuuq ba’an ka geesatay gobolka Darfur, gaar ahaan magaalada Al Fasher.
War kasoo baxay milatariga dalka Sudan ayey ku sheegeen in ay fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaal sare oo katirsan ciidamada RSF, kuwaa ay ku eedeeyeen in ay galeen dambiyo dagaal ayna laayeen shacab aan waxba galabsan.
Mid kamid ah weerarada ay fuliyeen ciidamada milatariga Sudan oo loo adeegsaday diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn, ayaa lagu weeraray magaalada Lagawa koonfurta gobolka Kordofan, waxaana si gaar ah weerarka loola eegtay goob ay joogeen taliyaal ciidan.
Warar soo baxaya , ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay taliyihii ciidanka RSF ee Koonfurta-galbeed Kordofan, Sarreeye Guud Hashim Diidan, halka uu ku dhaawacmay Kornayl Xuseen Barsham, waxaa sidoo kale weerrakan dbimasho iyo dhaawac kasoo gaaray askar taliyaashan ilaalo u ahaa.
Milatariga Sudan, ayaana weerarkan uga jawaabayeen xasuuqa ay kooxda RSF ka geesteen magaalada Al Fasher ee caasimadda gobolka Darfur, waxa ayna milatariga sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda arxanka daran ee RSF.