Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Kooxda RSF ee Sudan oo ogolaatay xabad joojin deg deg ah

Kooxda RSF ee Sudan oo ogolaatay xabad joojin deg deg ah

Xoogaga Taageerada Degdega ah ee Sudan RSF ayaa sheegay inay aqbaleen soo jeedinta xabbad-joojin bini’aadantinimo oo ay soo jeediyeen Maraykanka iyo dalalka Carabta.

Waxaa ay arrintan ku dhawaaqday kooxda ka dib markii ay la wareegtay magaalada El Fasher bishii hore isla markaana ay xoojisay gacan ku haynta gobolka galbeedka ee Darfur.

RSF iyo ciidamada Suudaan labaduba waxay ku heshiiyeen soo jeedinno xabbad-joojin ah marar kala duwan intii lagu jiray dagaalkii labada sano iyo bar socday, inkastoo midkoodna uusan ku guuleysan.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo u diray Suudaan, iyadoo sidoo kale markii u horreysay uu Turkiga geeyay gudaha Suudaan khubaro milatari iyo hawl-wadeennadii ku takhasusay adeegsiga gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si loo xoojiyo awoodda dagaal ee ciidanka Suudaan, kaddib markii kooxda RSF ay la wareegeen deegaanno istaraatiji ah oo ku yaalla waqooyiga gobollada Darfur iyo Kordofan, sida uu weriyey Middle East Eye.