Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Dab ka kacay Turkiga oo ay dad ku dhinteen.

Dab ka kacay Turkiga oo ay dad ku dhinteen.

Dab ka kacay bakhaar lagu iibiyo barafuunka oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku dhintay lix qof.

Dabka ayaa ka kacay 09:05 xilliga maxaliga ah ee Sabtidii magaalada Dilovasi, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Kocaeli.

Barasaabka gobolka Ilhami Aktas ayaa u sheegay CNN Turk oo laga leeyahay dalka Turkiga in afar qof la dhigay isbitaalka, iyadoo mid ka mid ah xaaladdiisu ay aad u liidato oo lagu daweynayo qeybta gubashada.      Wali ma cadda sababta dhalisay dabka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, wuxuuna sheegay in wasaaradda shaqada ee dowladda ay bilowday baaritaan.