Andy Robertson Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Liverpool
Difaaca bidix ee reer Scotland Andy Robertson ayaa shaki geliyay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool, isagoo sheegay in aan weli la gaarin heshiis cusub maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Robertson oo la hadlay Daily Mail ayaa yiri: “Waxa dhici doona wuu dhici doonaa. Haddii tani ay noqoto sannadkaygii ugu dambeeyay ee Liverpool, ha noqoto sidaas; haddii kalena waan arki doonnaa.”
Wuxuu sheegay inuu doonayo inuu diiradda saaro ciyaaraha, isagoo xusay inuu ku qanacsan yahay xaaladda hadda jirta, isla markaana kooxda si wanaagsan ula dhaqantay.
Waxaa muuqata in mustaqbalka Robertson uu weli mugdi ku jiro, iyadoo taageerayaasha Liverpool ay is weydiinayaan haddii uu sii joogi doono Anfield ama uu raadsan doono koox cusub xilli ciyaareedka soo socda.