Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Cristiano Ronaldo Oo Sheegay Xilliga Uu Ka Fariisanayo Kubadda Cagta

Cristiano Ronaldo Oo Sheegay Xilliga Uu Ka Fariisanayo Kubadda Cagta

Xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay in Koobka Adduunka ee 2026 uu noqon doono tartankiisii ugu dambeeyay ee caalami ah, isagoo sheegay in uu markaas 41 jir noqon doono.

Ronaldo, oo haatan u ciyaara kooxda Al-Nassr ee horyaalka Saudi Pro League, ayaa qirtay in waqtigiisu soo dhow yahay, isla markaana aanu ka qayb geli doonin Koobka Adduunka ee 2030, markaas oo uu noqon doono 45 jir.

“2026 waa waqtigeyga. Markaas waxaan ahaan doonaa 41 jir, waana waqtiga saxda ah,” ayuu yiri Ronaldo. “Weli waxaan ciyaari doonaa hal ama labo sano kale, ka hor inta aan si rasmi ah u nasto.”

Ronaldo, oo weli haysta heshiis laba sano ah, ayaa aaminsan in tani ay tahay heshiiskiisii ugu dambeeyay ee xirfaddiisa, isagoo hore u dhaliyay in ka badan 900 gool rasmi ah, islamarkaana ku dhow inuu gaaro 1000 gool taariikhdiisa ciyaareed.