Ruben Amorim Oo Sheegay Inuu Doonayo In Casemiro Sii Joogo Manchester United
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa caddeeyay inuu ku qanacsan yahay sii joogista Casemiro kooxda ka dib marka uu dhaco qandaraaskiisa hadda, kaasoo ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sida ay sheegtay TalkSport, Amorim ayaa doonaya in Casemiro sii ahaado qeyb ka mid ah qorshihiisa cusub ee kooxda, halka ciyaaryahanka reer Brazil uu diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu u sii joogo.
Casemiro ayaa tan iyo imaatinkiisii Old Trafford ciyaaray 135 kulan, isagoo dhaliyay 20 gool isla markaana caawiyay 13 kale. Intii uu kooxda joogay, wuxuu kula guuleystay Carabao Cup iyo FA Cup, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah tiirarka khibradda leh ee kooxda.