MD Farmaajo oo Goordhaw Muqdisho Ku Soo Laabtay, Kulamo Siyaasadeedna Lagu Wado Inuu Bilaabo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli uu dalka ku jiro marxalad kala-guur siyaasadeed iyo khilaafaad ka dhashay arrimaha doorashada soo socota.
Dib-u-soo laabashada Farmaajo ayaa timid iyadoo dhawaan siyaasiyiin hore ula soo shaqeeyay xukuumaddiisii ay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed ay ku mideysan yihiin, taas oo la rumeysan yahay inay saameyn ku yeelan karto qorshihiisa mustaqbalka siyaasadeed iyo suuragalnimada dib u tartankiisa doorashada.
Inkasta oo uusan Farmaajo si rasmi ah uga mid ahayn xubnaha mucaaradka, haddana wuxuu horey u diiday inuu ku biiro kooxaha si weyn uga soo horjeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Farmaajo uu Muqdisho ka bilaabi doono kulamo wadatashi ah oo uu la yeelanayo siyaasiin, taageerayaal iyo xubno hore ula shaqeeyay si uu uga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee dalka.