Weerar dhinaca Internet-ka ah oo lagu qaaday Wasaarado katirsan Kenya
Dowladda kenya ayaa muwaadiniinta u xaqiijisay in weerar dhanka internetka ah oo lagu qaaday dhowr ka mid ah mareegaha wasaaradaha dowladda subaxnimadii Isniinta la xakameeyay.
Dhowrka mareeg ee dowladda ayaa si ku meel gaar ah loo heli waayay sababo la xiriira weerar ay geysteen tuhmanayaal isku tilmaamay “PCP@Kenya.”
War saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in dowladda ay si ku meel gaar ah u howlgelisay habraacyada ka jawaab celinta dhacdooyinka iyo soo kabashada subaxnimadii Isniinta, iyadoo si dhow ula shaqeyneysa daneeyayaasha ay khuseeysa si loo yareeyo saameynta loona soo celiyo marin u helidda goobaha ay dhibaatada saameysey.
Xoghayaha ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadan, isagoo sheegay inay jebinayso sharciga Kenya iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeysa, oo ay ku jiraan Xeerka Isticmaalka Xun ee Kumbuyuutarka iyo Dembiyada Internetka, Sharciga Macluumaadka iyo Isgaarsiinta Kenya, iyo Sharciga Ilaalinta Xogta.
Dhacdada Isniinta ayaa la xaqiijiyay in ay saameysay wasaaradaha kala ah Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Deegaanka, Tamarta, Shaqada iyo Biyaha.
Waqtiga uu war saxaafadeedka soo saaray Dr. Raymond Omollo mareegaha Wasaaradda Tamarta iyo Deegaanka ayaan weli la soo celin.