Aqalka Sare oo ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya
Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya.
Hindisaha ansixinta ayaa helay 28 cod oo oggolaansho ah, halka hal Senator uu ka aamusay, mana jirin cid diiday.
Intii uu kulanku socday, Senatarada ayaa sidoo kale guda galay dhaarinta xubnaha guddiga, kadib markii si aqlabiyad ah loo meel mariyay.
Dhaarinta ayaa ka dhigan in Guddigu shaqadooda si rasmi ah u bilaabi doonaan, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo dabagalka tacaddi kasta oo ka dhan ah xuquuqul insaanka.
Go’aanka ansixinta ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta hay’adaha ilaalinta xuquuqda aadanaha, xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed, amni iyo bulsho oo u baahan hay’ado madax-bannaan oo si hufan u shaqeeya.

