Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Madaxweyne Trump oo amar culus ku bixiyey in la tarxiilo Soomaalida Minesota

Madaxweyne Trump oo amar culus ku bixiyey in la tarxiilo Soomaalida Minesota

Madaxweyne Trump ayaa baabi’iyay oo laalay shuruucdii ilaalinaysay in la tarxiilo Soomaalida soo galootiga ah ee ku nool gobolka Minnesota.

“Kooxo Soomaali ah ayaa argagax ka wada gobolkaas, waxaana la sheegay in bilyan dollar ay maqan yihiin. Dib ugu celiya halkii ay ka yimaadeen.” ayuu yiri Trump.

‘’Aniga, ka madaxweynaha Maraykanka ahaan, halkan ayaan ku joojinayaa, iyada oo dhakhso loo dhaqan galinayo, barnaamijka ilaalinta ku meel gaarka ah (TPS) ee Soomaalida Minnesota,’’ ayuu yiri.

Waa go’aankii ugu adkaa oo ka dhan ah Soomaalida oo Madaxweyne Mareykan ah uu qaadanayo,

Talaabadan ayaa sare u qaadaysa khatarta iyo cadaadiska ay wajahayaan bulshada Soomaaliyeed oo deggan gobolka Minnesota, oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka.