Jamie Redknapp Oo Shaaciyay Hal Wado Oo Ay Liverpool Kaga Bixi Karto Guuldarrooyinka Iyo Is-faham La’aanta
Halyeeygii hore ee Liverpool iyo falanqeeyaha Sky Sports Jamie Redknapp ayaa ugu baaqay kooxda iyo taageerayaasha inay muujiyaan samir isla markaana taageeraan tababare Arne Slot, inkastoo kooxda ay ku jirto xaalad adag oo natiijooyin liita ah.
Liverpool waxaa Anfield lagu garaacay 3-0 ay Nottingham Forest ku dubatay, guuldarro sii adkaysay su’aalaha ku saabsan qaab-dhismeedka kooxda xilli-ciyaareedkii labaad ee Slot.
Si kastaba, Redknapp ayaa taageerayaasha ka codsaday inaanay tababaraha ku cadaadin ama ka hor iman.
Redknapp ayaa Sky Sports ku yiri:“Liverpool waa inay samraan, Arne Slot wuu mudan yahay taas kadib wixii uu qabtay xilli-ciyaareedkii hore.”
Waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxda loo baahan yahay in la siiyo waqti uu uga gudbi karo dhibaatooyinka jira, lana soo celiyo kalsoonida kooxdu ku ciyaareyso.