Ruushka oo duqeyntii ugu xumeyd ka geystay caasimada Ukraine.
Ruushka ayaa weerar kale oo culus oo dhanka cirka ah ku qaaday Kyiv, iyadoo qaraxyo laga maqlay caasimadda Ukraine, xilli diblomaasiyiinta ay sii wadaan wada-hadallada lagu soo afjarayo dagaalka.
Dadka ayaa loogu baaqay inay dhismooyinka ka baxaan ayna isaga fogaadaan goobaha bannaan.
Illaa todoboba qof ayaa la sheegay iney ku naf waayeen weeraradii xalay oo ahaa kuwii ugu xumaa mudooyinkan ee ruushku qaado, waxaana dhaawacay dad kale oo badan.
Waxaa la arkay dhismayaal gubanaya iyo ciidanka damb demiska oo la dedaalo badan sameynaya.
Magaalada Geneva ayaa waxaa ku shiraya dalalka Yurub ee xulafada la ah Ukraine, kuwaasoo ka arrinsanaya soo afjaridda colaadda Ruushka.
Donald Trump ayaa aad u doonaya in heshiis nabadeed laga gaaro Ukraine.
Kyiv waxay rabtaa nabad xitaa in ka badan Ruushka, laakiin maaha inay wax walba aqbaleyso. Taasi waa sababta markii Maraykanku bilaabay inuu ku riixo qaadashada heshiiska ay Ukraine ay iska diidday.
Haatan Zelenesky ayaa soo dhoweeyay in wax laga beddelay qorshaha nabadda Mareykanka, waxaana la filayaa in wax laga beddelo sidii loo arkayay inuu dhanka Ruushka u xaglinayo.