Canada oo kordhisay go’aankii ay ku hakisay qaadista Dadka ee (Group Five)
Dowladda Canada ayaa sanad dheeraad ah ku dartay go’aanka hakinta ee dadka lagu qaadayo nidaamka xambaarka ah ee shanta qof loona yaqaan (Group Five), waxa ay xayiraaddaan ay ku simaneed ilaa sanadka soo socda 2026 iyada oo haatan la gaarsiiyay sanadka xiga 2027.
Sanadkii lasoo dhaafay 2024 ayay Canada qaadatay go’aanka maadaama sanadka soo socda 2026ka ay kamid tahay martigeliyaasha Koobka Adduunka ee sanadkaas dhacaya, waxa uu niyad-jab ku abuuray dad badan oo rajo ka lahaa aadista Dalkaan dhaca Waqooyiga Ameerika.
Dad badan ayaa sugayay warka dib ugu laabashada go’aanka hakinta ah ee Canada ee dhammaadka Sanadkaan 2025 si loo dabciyo go’aankaas culus ee saameynaya safarkii ay ku haminayeen in ay u galaan Dalkaan.
Dadka ka faa’iidaystay ee horay ugu baxay Barnaamijkaan waxaa kamid ah Soomaali, sidoo kale waxaa jira dad qaarkood ehelkooda ay u raadinayeen sidii ay ugu qaadi lahaayeen Canada, balse dadkii horay uu billowday barnaamijkooda kama mid ahan xayiraaddaan.
Waaxda Socdaalka ee Canada oo mas’uul ka ah hubinta dadka la qaadayo, kuwa u doodaya ee maraya nidaamkaan iyo dhammaynta warqadaha degenaashiyaha dadkaas waa marka laga soo gudbo shuruudahee ayaa go’aankaan cusub ku wargeliyay qaar kamid ah dadkii sugayay.
1dii December 2024 waxa ay Canada ku dhawaaqday in ay sanad iyo bil hakisay qaadista Dadka ku baxaya Group Five, waxa ay arrintaas ku sheegtay in ay dib u eegis ku sameyneyso Dadkii horay loogu qaaday Barnaamijkaan ee galay Dalkaas.