Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Man United Oo War Xun Ka Heshay Xaaladda Matheus Cunha Ka Hor Kulanka Crystal Palace

Man United Oo War Xun Ka Heshay Xaaladda Matheus Cunha Ka Hor Kulanka Crystal Palace

Manchester United ayaa xaqiijisay in Matheus Cunha uusan ka qeyb geli doonin kulanka Premier League ee Axadda ay la ciyaarayaan Crystal Palace, kaddib dhaawac uu ku qaaday tababarka.

Cunha oo hore uga maqnaa guuldarradii 1-0 ee Everton, ayaa markii hore la sheegay in dhaawaciisu yahay mid fudud, balse tababaraha United Ruben Amorim ayaa Jimcihii sheegay in 26-jirkan uu ka maqnaan doono safarka Selhurst Park.

Maamulka United ayaa warkan u arka dhirbaaxo ka dhan ah kooxda, maadaama Cunha uu xilli ciyaareedkan ka mid ahaa ciyaartoyda ugu firfircoon uguna saameynta badan ee United.

Amorim ayaa intaas ku daray:

“Waxaan filayaa inuu diyaar noqdo kulanka xiga ee West Ham Khamiista, laakiin kulanka Palace ma ciyaari doono.”

Cunha oo xagaagii ku soo biiray Man United ayaa si degdeg ah uga mid noqday xiddigaha dhaqaajiya weerarka kooxda.