Micah Richards Oo Sheegay Kooxda Ugu Fiican Yurub Xilli Ciyaareedkan
Halyeeyga Ingiriiska Micah Richards ayaa ku ammaanay Arsenal inay tahay “kooxda ugu fiican Yurub” xilli ciyaareedkan, isagoo tilmaamay in awoodda kooxda Mikel Arteta ay tahay mid aan caadi ahayn.
Arsenal ayaa si cajiib ah u hoggaamineysa Premier League iyadoo lix dhibcood ka sarreysa Chelsea, halka Yurub ay ku jiraan qaab ciyaareed heer sare ah, kadib markii ay 3-1 kaga adkaadeen Bayern Munich oo aan guuldarro arag xilli ciyaareedkan.
Gunners-ka ayaa noqday kooxda kaliya ee Champions League ku bilaabatay shan guul oo xiriir ah, iyadoo hal gool oo keliya laga dhaliyay tartanka.
Micah Richards oo falanqeynayay guusha Arsenal ee Bayern ayaa yiri:
“Arsenal sidee ayay u fiicantahay? Karoosyada aad bay ugu fiican yihiin. Inkastoo ay dhowr dhaawac qabaan, haddana ma dareemayaan. Kooxda ballaadhan ee ay haystaan waa mid heer sare ah.”
Wuxuu intaas ku daray in qaab ciyaareedka Arsenal ee gudaha iyo Yurub uu ka dhigayo kooxda ugu awoodda badan qaaradda xilli ciyaareedkan.