Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Mikel Arteta Oo Sheegay Kooxda U Qalanta In Ay Arsenal Kula Tartanto Premier League

Mikel Arteta Oo Sheegay Kooxda U Qalanta In Ay Arsenal Kula Tartanto Premier League

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sheegay in Chelsea ay u qalanto inay tartan adag la gasho Arsenal xilli ciyaareedkan Premier League, maadaama Blues ay soo bandhigtay horumar muuqda.

Arsenal oo hoggaamineysa horyaalka ayaa lix dhibcood ka horreysa Chelsea, kahor kulanka derbiga London ee Axadda ka dhici doona Stamford Bridge. Inkasta oo Chelsea ay ku bilowdeen si liidata, haddana shan guul oo lixdii ciyaarood ee ugu dambeysay ah ayaa gelisay kaalinta labaad.

Arteta oo ka hadlayay xaaladda kulanka iyo tartanka horyaalka ayaa sheegay in Chelsea ay buuxisay shuruudihii kooxda u tartami karta Premier League, isagoo tilmaamay tayada ciyaartoyda ay hayaan, kooxda ay dhiseen iyo shaqada tababarka ee ka socota.

Isagoo la hadlayay warbaahinta wuxuu yiri:“Chelsea si buuxda ayay u mudan yihiin inay halkaas joogaan.”

Tayada kooxda, shaqaalaha tababarka, iyo waxa ay qabteen sanadihii dambe waxay muujinayaan inay yihiin tartame dhab ah.