Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Soomaaliya Oo Bilowday Howlgallo Culus Oo Lagu Doonayo Dib-u-Qabsashada Xawaadley

Ciidanka Soomaaliya Oo Bilowday Howlgallo Culus Oo Lagu Doonayo Dib-u-Qabsashada Xawaadley

Milatariga Soomaaliya ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo culus oo ka socda duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka.

Howlgalkan ayaa lagu doonayaa in dib loogu soo celiyo gacan ku haynta deegaanka Xawaadley, oo bartamihii sanadkan ay la wareegeen maleeshiyaadka AS.


Wararka deegaanka ka imaanaya ayaa tilmaamaya in saacadihii ugu dambeeyay ay halkaasi gaareen ciidamo hor leh oo xoojinaya cutubyadii hore u joogay duleedka Balcad, si ay uga qeyb noqdaan gulufka milatari ee dowladda u qorsheysan.


Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn uu yahay qabsashada Xawaadley, taas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ahayd fariisin muhiim u ah AS.


Ciidanka Burundi ayaa horay uga soo baxay deegaanka ka dib markii kooxdu ku soo furtay biyaha Wabiga Shabeelle taas oo keentay in la soo daadgureeyo ciidanka.