Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Arteta Oo Sharaxay Sababta Arsenal Ugu Fashilantay Inay Garaacdo Chelsea

Arteta Oo Sharaxay Sababta Arsenal Ugu Fashilantay Inay Garaacdo Chelsea

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha kooxda uu hoggaamiyo ugu guul-darreystay inay Chelsea ka qaado saddexda dhibcood, kadib barbaro ay ku galeen kulan ka tirsan wareega 13-aad ee Premier League.

Arteta wuxuu sheegay in ciyaarta ay ahayd mid xamaasad sare leh oo ay labada kooxba muujinayeen adkaysi iyo dagaal badan, taas oo keentay in afar ka mid ah ciyaartoydiisa la siiyo kaar digniin ah.

Tababaraha ayaa tilmaamay in qaybtii labaad ay kooxdu muujisay habacsanaan, taas oo horseedday in Chelsea ka dhaliyaan gool.

Arsenal ayaa markaas dib isu abaabushay, waxayna keentay goolka barbaraha, hase yeeshee Arteta wuxuu qirtay in toddobaadkii lasoo dhaafay uu ahaa mid aad u adag, maadaama ay waayeen laba ciyaartoy oo muhiim ah.

Isagoo ka hadlayay garoonka Stamford Bridge, ayuu sheegay in uu ahaa imtixaan culus, maadaama Chelsea dhawaan Barcelona ka adkaatay.

“Waxaan filaynay caqabado, laakiin guul ayaan rajeynaynay. Goolka nalaga dhaliyay bilowgii qeybta labaad wuxuu ahaa mid niyad jab leh,” ayuu yiri Arteta.