Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Dibadda   Putin oo sheegay in uu diyaar u yahay la dagaalanka Dalalka doonaya in ay la dagaalamaan

Dibadda   Putin oo sheegay in uu diyaar u yahay la dagaalanka Dalalka doonaya in ay la dagaalamaan

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin oo Warbaahinta la hadlay ayaa reer Yurub ku eedeeyay in aanay diyaar u ahayn Nabad isla markaana ay doonayaan colaad sii socota, waxa uu afka ku dhuftay in uu dalkiisa diyaar u yahay dagaalka ay raadinayaan.

Vladimir Putin ayaa sheegay in ay jiraan dalal uusan sheegin magacyadooda balse doonaya in ay sii huriyaan colaadda dalkaan dhaca Bariga Qaaradda Yurub, waxa uu ka digay in la raabo dhabbaha dagaalka oo aan xal wanaagsan u ahayn qaaraddaas.

Putin ayaa intaas ku daray in dalkiisa uu garanayo faa’iidada iyo khasaaraha uu leeyahay Dagaalka sidaas awgeed ay jiraan dalal badan oo reer Yurub ah oo aan waxba ka ogayn xaqiiqada colaadda balse doonaya in ay haatan tijaabiyaan.   “Reer Yurub ma wadaan qorshe nabadeed, waxa ay si cad ugu socdaan dhinaca dagaalka, Haddii ay doonayaan in ay dagaal galaan waxa aan u sheegayaa in haddba uu Ruushku diyaar u yahay” sidaasi waxaa yiri Vladimir Putin.

Waxaa guuldaraystay dedaalladii nabadda ee lagu soo afjari lahaa colaadda Ruushka & Ukraine, waxaa socda dedaallo kala duwan oo lagu doonayo sidii xal kale loogu heli lahaa colaadda waqtiga dheer socota ee saamaynta taban ku reebtay qaaradda Yurub.