Israel Oo Ka Walaacsan Qorshe Cusub Oo Qatar U Soo Bandhigtay Masar, Kadib Markii Netanyahu Joojiyay Heshiiskii Gaaska
Jerusalem / Qahira – Dawladda Israa’iil ayaa walaac xooggan ka muujisay qorshe cusub oo ay Qatar u soo bandhigtay Masar, kaasi oo dhigaya in Qatar ay diyaar u tahay inay Masar siiso gaaska dareeraha ah (LNG) si loo daboolo baahida tamarta ee dalkaasi.
Qorshahaan ayaa yimid ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu hakiyay heshiiskii gaaska ee Masar ay ka heli jirtay Israa’iil, isaga oo ku cadaadinaya dowladda Masar arrimo siyaasadeed oo la xiriira xaaladda gobolka.
Warbaahinta Israa’iil, gaar ahaan Telefishinka Channel 12, ayaa sheegay in Netanyahu uu u adeegsaday joojinta gaaska “cadaadis diblomaasiyadeed,” balse tallaabada Qatar ay Masar ku caawinayso tamar ahaan ay dhalisay cabsi iyo xanaaq diblomaasiyadeed gudaha Israa’iil.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa weli ka labalabaynaya inuu aqbalo dalabka Qatar, sida uu warbixintu sheegtay. Sisi ma doonayo inuu Israa’iil ku beddelo Qatar, maadaama arrintu ay leedahay miisaan siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara xiriirka Masar ee dalalka gobolka.
Qatar ayaa sanadihii u dambeeyay kordhisay doorkeeda dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed ee Bariga Dhexe, halka Masar ay wajahdo caqabado dhinaca dhaqaalaha ah, gaar ahaan sahayda gaaska oo si weyn u yaraatay.
Arrintan ayaa hadda isu rogtay dagaal siyaasadeed oo ku saabsan tamarta, kaas oo ay si dhow u eegayaan dalalka gobolka iyo saaxiibada reer galbeed.