Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo Aqbashay Dhageysiga Sharciga 14th Amendment ee uu Dooddiisa Wado Donald Trump
Bishii Janaayo, markii uu xilka la wareegay, Trump wuxuu soo saaray amar fulineed oo la xiriira sharcigan, balse waxaa diiday maxkamadaha hoose ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, 5-tii December 2025, Maxkamadda Sare ayaa aqbashay in la dhageysto doodda sharci ee uu Madaxweynaha dalbanayo, taas oo ujeedadeedu tahay in wax looga beddelo qeexidda muwaadinnimada dadka ajnabiga ah ee dalka ku dhasha.
Haddii Maxkamadda Sare ansixiso beddelka lagu sameynayo 14th Amendment, waxa meesha ka bixi doona qodobka dhigayay in qof kasta oo ku dhasha Maraykanka ama heysta baasaboorka dalkaasi uu yahay muwaadin leh xuquuq buuxda oo la mid ah qofka Maraykanka ah ee asal ahaan u dhashay.
Arrintan ayaa loo arkaa mid saamayn weyn ku yeelan karta nidaamka dhalashada, xuquuqda muwaadinnimada, iyo malaayiin qof oo ku tiirsan sharcigan taariikhiga ah.