Booliska DF oo beeniyey in rag ganacsato ah la siiyey dhulkii dab demiska
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta Dab-damiska oo Dadkii horay looga raray ay sheegeen in Dad gaar ah la siiyay, waxa uu warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.
Macallin Mahdi ayaa tilmaamay in dhulkaas laga dhisayo xarun lagu dayactiro Gaadiidka Booliiska, Jaamacad uu leeyahay Isbitaalka Madiina iyo Dab-damiska oo dhammaan Booliiska hoostagaya sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in dhulkaas la siiyay Ganacsato isaga oo intaas ku daray in dowladda dadkii degenaa ay uga saartay baahi loo qabo welina ay taagan tahay arrintaas sida uu yiri macallin Mahdi, taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir.
“Dhulka Dab-damiska, Booliiska ayaa lahaa oo dhisanaya, waa kutire-kuteen in Ganacsato la siiyay, Waxaa laga dhisayaa Xarun lagu dayactiro Gaadiidka Booliiska, Jaamacadda Isbitaalka Madiino & Dab-damiska” Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Macallin Mahdi Cumar Muumin.
Hadalka taliyaha ayaa soo baxay wax yar ka dib markii shalay ay banaanbax rabshado watay dhigeen qaar ka mid ah qoysaskii laga barakiciyey dhulkaas oo ku eedeeyey DF iney rag ganacsato ah ka iibsatay dhulkaas taasoo ay sheegeen ineysan aqbali doonin.