Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Mohamed Salah Oo Ka Hadlay Xaaladdiisa Liverpool

Mohamed Salah Oo Ka Hadlay Xaaladdiisa Liverpool

Xiddiga reer Masar Mohamed Salah ayaa ka baxay aamusnaantii, isaga oo ka hadlay xaaladda adag ee uu haatan kala kulmayo kooxda Liverpool, kadib markii labo kulan oo xiriir ah uu kursiga kaydka ku bilowday, islamarkaana uusan hal daqiiqo ka ciyaarin kulankii Leeds United.

Salah oo hadlay ayaa sheegay in xiriirkii uu la lahaa tababaraha uu isbeddelay:

“Hore waxaan u sheegay in xiriirkeyga macallinka uu wanaagsan yahay, laakiin hadda sidaas ma aha. Ma garanayo sababta. Waxay u muuqataa in qof aanu doonayn inaan kooxda sii joogo.”

Salah ayaa muujiyay tabasho iyo niyad-jab:

“Aad ayaan uga niyad-jabsanahay. Kooxdan wax badan ayaan u qabtay, qof walbana wuu arkayay sannadihii la soo dhaafay. Ma aqaan sababta aan kaydka u fadhiistay. Waxaan dareemayaa inaan la igu tixgelinayn.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Daacad ahaan, tani waa wax aan la aqbali karin. Shalay ayaan hooyaday wacay. Iyadu ma ogeyn inaanan ciyaari doonin, anigaa ogaa. Waxaan iri, ‘Usbuuca dambe kaalay kulanka Brighton, xitaa haddii aan ciyaaro ama aanan ciyaarin, adiga dartaa ayaan u farxi doonaa.’ Kulankaas wuxuu noqon karaa kii ugu dambeeyay ee aan Anfield ku ciyaaro ka hor Koobka Qaramada Afrika.”

Ugu dambayn, Salah ayaa sheegay inuu ixtiraam badan u qalmo:

“Wax badan ayaan u qabtay kooxda, mana aha inaan mar walba dagaal u galo booskeyga. Waxqabadkeygii hore ayaa ii qalminaya inaan ciyaaro. Dadku waxay dhihi doonaan waxaan leeyahay ‘waan ka weynahay kooxda’, laakiin waligay taas ma oran. Kaliya waxaan leeyahay waxaan sameeyay waxa iga dhiga in la ii tixgeliyo.”