Qaramada Midoobay oo Xirtay Hawlgalkii UNAMI, Ciraaqna U Gudubtay “Cutub Cusub” oo Xasillooni iyo Iskaashi ah
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si rasmi ah u calaamadeeyay dhammaadka Hawlgalka Kaaliyaha Qaramada Midoobay ee Ciraaq (UNAMI), isagoo soo afjaray hawlgalkii siyaasadeed ee QM ee dalkaas ka socday in ka badan labaatan sano. Mudada hawlgalka UNAMI waxay si rasmi ah ku egyahay 31-ka Diseembar.
UNAMI waxaa la aasaasay sanadkii 2003, kaddib markii xukunka madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Hussein la riday, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay taageeridda Ciraaq inta ay ku jirtay kala-guurka siyaasadeed, dib-u-dhiska dagaallada kaddib, iyo la dagaallanka kooxda xagjirka ah ee Daacish (ISIL).
Isagoo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka, Guterres ayaa ammaanay horumarka ay sameeyeen shacabka Ciraaq, isagoo ku tilmaamay “mid dhiirrigelin leh,” isla markaana sheegay in dhammaadka UNAMI uu astaan u yahay xiritaanka cutub taariikhi ah iyo furitaanka mid cusub oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya Ciraaq iyo Qaramada Midoobay.
Ciraaq oo Lagu Dhawaaqay “Dal Nabdoon”
Madaxa QM ayaa bogaadiyay adkaysiga shacabka Ciraaq oo ka soo gudbay tobannaan sano oo rabshado, dagaallo, argagixiso, kala-qaybsanaan qabiil/diimeed iyo faragelin shisheeye ah.
“Duruuf kasta oo adagna, shacabka Ciraaq waligood kama leexan go’aankooda ah inay dhisaan bulsho nabdoon oo loo dhan yahay, kuna dhisan xukunka sharciga iyo hay’ado dimuqraadi ah,” ayuu yiri Guterres.
Wuxuu xusay guulo waaweyn oo la gaaray tan iyo 2003, oo ay ka mid yihiin ansixinta Dastuurkii 2005, qabsoomidda doorashooyin qaran oo badan, iyo jabkii dhuleed ee Daacish. Sida uu sheegay, Ciraaq maanta waa “dal nabad ah,” leh amni sii wanaagsanaanaya iyo himilo cad oo dhanka horumarka ah.
Dhaxalka UNAMI
Intii uu jiray hawlgalku, UNAMI waxa uu talooyin ka siinayay dowladihii iyo baarlamaanadii Ciraaq dib-u-habeynta siyaasadda, garsoorka iyo sharciga, wuxuuna kor u qaaday ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo ka-qaybgalka haweenka, dhalinyarada iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay.
Markii ay Daacish la wareegtay dhulal ballaaran oo Ciraaq ah, UNAMI wuxuu door weyn ka qaatay isu-duwidda taageerada caalamiga ah ee lagu ilaalinayay shacabka iyo malaayiinta barakacayaasha ah. Waxa kale oo uu ka shaqeeyay dib-u-heshiisiinta qaranka iyo soo celinta dadka barakacay, oo ay ku jiraan dadka Yazidi-ga ah ee dhibaatadu gaartay iyo Ciraaqiyiinta ka soo laabtay xeryaha sida al-Hol ee waqooyi-bari Suuriya.
Xuska Shaqaalaha Dhintay
Guterres ayaa tacsi u diray shaqaalaha UNAMI, gaar ahaan kuwii ku dhintay weerarkii argagixiso ee 19-kii Agoosto 2003 lagu qaaday xarunta QM ee Baqdaad, kaas oo lagu dilay 22 qof, oo uu ku jiray Sérgio Vieira de Mello, wakiilkii gaarka ahaa ee ugu horreeyay ee hoggaamiya UNAMI.
Sidoo kale, wuxuu ammaan u jeediyay shaqaalaha Ciraaqiyiinta ah ee QM oo sannado badan ka shaqeynayay dib-u-dhiska iyo xoojinta dalkooda.
Iskaashi Joogto ah oo u Dhexeeya QM iyo Ciraaq
Kaddib kulan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Mohammed Shia’ al-Sudani, Guterres wuxuu xaqiijiyay in inkastoo UNAMI la soo gebagabeeyay, haddana hay’adaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay ay sii wadi doonaan taageerada Ciraaq ee dhinacyada maamulka, isla-xisaabtanka, adeegyada bulshada, kala-duwanaanshaha dhaqaalaha, horumar waara iyo xuquuqda aadanaha.
Wuxuu ku tilmaamay waddo Baqdaad ku taalla oo loo bixiyay “Waddada Qaramada Midoobay” astaan xooggan oo muujinaysa iskaashiga sii jira ee u dhexeeya Ciraaq iyo QM.
“In kasta oo hawlgal la soo gabagabeeyo, Qaramada Midoobay mar walba way garab istaagi doontaa shacabka Ciraaq,” ayuu yiri Guterres, isagoo intaas ku daray in xiriirka Ciraaq iyo QM uu hadda u gudbayo “xiriir caadi ah” oo ka tarjumaya xasilloonida iyo madaxbannaanida Ciraaq ee dib u soo laabatay.