Wayne Rooney Oo Magacaabay Labada Tababare Ee Ugu Fiican Premier League
Wayne Rooney ayaa sheegay in tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, uu yahay “tababaraha saddexaad ee ugu fiican” Premier League xilli ciyaareedkan.
Rooney wuxuu tababarka ugu sarreeya siinayaa Pep Guardiola ee Manchester City, halka Unai Emery uu ku jiro kaalinta labaad.
Rooney ayaa amaanay shaqada Arteta ee kor u qaadidda maskaxda ciyaartoyda Arsenal iyo horumarinta kooxda, balse wuxuu ku tilmaamay inuu weli ka hooseeyo Guardiola iyo Emery marka la eego guulaha iyo khibradda.