Ciidanka Booliska oo Gacanta ku Dhigay Eedeysane Dil ka Geystay Degmada Dayniile
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Dayniile, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Dable Axmed Cadaawe Cali, oo ku eedeysan dil ka dhacay degmada Dayniile, waaxda Odwayne.
Sida ay Boolisku sheegeen, eedeysanaha ayaa la tuhunsan yahay inuu dilay marxuum Cabdullaahi Maxamed Muuse, kadib muran soo kala dhexgalay labada dhinac, kaas oo sababay in uu muranku isu beddelo fal dil ah.
Boolisku waxay xaqiijiyeen in eedeysanaha uu haatan ku jiro gacanta ciidamada ammaanka, isla markaana lagu wado in dhawaan loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh si loo waajaho cadaaladda.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa adkeeyay dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga, iyagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, kana fogaadaan falalka keeni kara khalkhal amni.