Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

121 Daraawiishta oo Tababar Ka Dhameystay, 21 Haween Ku Jira; Maraykanka Oo Tababar U Soo Xiray Cutub Gabdho ah

121 Daraawiishta oo Tababar Ka Dhameystay, 21 Haween Ku Jira; Maraykanka Oo Tababar U Soo Xiray Cutub Gabdho ah

Midowga Yurub ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar loogu talagalay 121 askari oo ka tirsan ciidanka daraawiishta Booliska, iyadoo 21 ka mid ah ay yihiin haween.

Sidoo kale, dowladda Maraykanka ayaa tababar u soo xirtay cutub gabdho ah oo qayb ka noqon doona ciidanka gaarka ah ee Galayr.

Tallaabooyinkan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka ee hay’adaha amniga ee dalka, iyadoo la dhiirrigelinayo ka mid noqoshada iyo doorka firfircoon ee haweenka ee la dagaallanka amni-darrada.