Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Fabrizio Romano Oo Beeniyay Wararka Franco Mastantuono Ka Tagayo Real Madrid Janaayo

Fabrizio Romano Oo Beeniyay Wararka Franco Mastantuono Ka Tagayo Real Madrid Janaayo

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa beeniyay wararka sheegaya in Franco Mastantuono uu amaah kaga tagayo Real Madrid suuqa Janaayo, isagoo sheegay in arrintaasi aysan sal lahayn.

Mastantuono weli wuxuu ku jiraa soo kabasho, mana suurtagal aha inuu baxo waqtigan. Real Madridna kalsooni buuxda ayay ku qabtaa, waxaana loo arkaa ciyaaryahan mustaqbalka muhiim u ah kooxda. Wuxuu Real Madrid u saftay 14 kulan, isagoo dhaliyay hal gool kana caawiyay hal kale.