Itoobiya & Eritrea oo qarka u saaran dagaal culus oo dhexmara
Wargeyska Foreign Policy, ayaa maanta ku sheegay mid ka mid ah dagaallada qarka loo saaranyahay dunidda inay ka dhacaan sannadkan 2026 , inuu safka hore ku jiro dagaal dhex mari kara Itoobiya iyo Eritrea.
Warbixintan waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay dagaal isku diyaariyeen, hadallo colaadeedna ay sare u qaadeen, halka dunidana ay ka jeesatay in labada dal la dhex galo, sabab la xiriirta in gobol kasta oo dunidda ah oo ay xataa ku jiraan dalalka xasilloonida ay ka jirtay ee Yurub, marxalad la isku diyaarinayo dagaal iyo difaac qaran oo aysan lahayn indho ay meel kale waxa ka socda ku eegaan.
Itoobiya ayaa horey ugu eedeysay Eritrea iney taageero milateri siiso jabhado mucaarad ah oo ku kacsan sida Jabhaddaha FANO, TPLF iyo OLF oo ka dagaalamaya gobolada amxaarada, Oromada iyo Tigray.
Eritrea ayaa iska fogeysay arrimahaas, iyadoo dhankeeda ku eedeysay Itoobiya iney qorsheyneyso dagaal iney ku soo qaado kaasoo ay ku qabsaneyso dekeda Casab si ay uga dhabeyso riyadeeda ah iney hesho bad iyo dekedo ay leedahay.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay gobolka Geeska Afrika, inuu wajahayo sannad kulul oo ay suuragalnimada colaad dagaal isku rogta ay sare martay, xilli dagaalka Suudaan uu gaaray meel uu ka fogaaday in la dabaqabto.