Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Qofkii ugu horeeyey ee Muslim ah oo loo dhaariyey Duqa New York

Qofkii ugu horeeyey ee Muslim ah oo loo dhaariyey Duqa New York

Duqa cusub ee magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Mamdani ayaa ballanqaaday inuu dib u soo celin doono kalsoonida dadweynaha isla markaana u shaqayn doono dhammaan bulshada.

Khudbadda uu ka jeediyay xarunta City Hall, ayuu ku sheegay in New York aanay = noqon doonin magaalo laba qaybood u kala jabta—ta hodanka ah iyo tan saboolka ah.

Wuxuu sheegay in maamulkiisu uu si ballaaran oo geesinimo leh u hoggaamin doono isaga oo intaa ku daray in aysan ka gabban doonin caqabadaha horyaalla.

Mr Mamdani waa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah kana soo jeeda Koonfur Aasiya ee magaalada New York.

Siyaasigan garabka bidix ayaa noqday musharrax si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadii hordhaca ahayd ee duqa magaalada, kaddibna waxa uu guuleystay doorashadii guud ee bishii Noofember.