Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Ruushka oo War ka soo saaray weerarka Mareykanka ee dalka Venezuela

Ruushka oo War ka soo saaray weerarka Mareykanka ee dalka Venezuela

Ruushka ayaa bayaankiisii ugu horeeyay ka soo saaray weerarka Mareykanka ee dalka Venezuela oo lagu soo xiray Madaxweynihii dalkaas iyo xaaskiisa

“Waxaan si aad ah uga walaacsanahay wararka sheegaya in Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, iyo xaaskiisa si qasab ah looga saaray dalka kadib tallaabooyinkii gardarrada ahaa ee maanta uu qaaday Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaardda arrimaha dibadda Ruushka.

“Waxaan ku baaqeynaa in xaaladdan si degdeg ah loo kala caddeeyo. Tallaabooyinkaas, haddii ay dhab ahaantii dhaceen, waxay ka dhigan yihiin xadgudub aan la aqbali karin oo ku saabsan madaxbannaanida dowlad madax-bannaan, taas oo ixtiraamkeedu yahay mabda’ muhiim ah oo sharciga caalamiga ah.ayuu inta aku daray bayaanka Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ciidamada Mareykanka ay hawlgal guul ku dhammaaday ku qabteen Madaxweynihii Venezuela, Nicolas Maduro, iyo xaaskiisa Cilia Flores.

Ninkaan ayaa dhawaan dowladiisu taageertay Soomaaliya ka dib xadgudubkii Israel.

Maraykanka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ay fuliyeen ciidankiisa gaar ah ee Delta Force.