Real Madrid Oo Qorsheyneysa Inay Dib Usoo Celiso Tababare Caan Ah Oo Horay Ugu Guuleystay Champions League
Wariyaha COPE ee Alfredo Relano ayaa sheegay in madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez uu ka fikirayo dib u soo celinta Jose Mourinho, isagoo dhanka kale dhaleeceeyay magacaabista Alvaro Arbeloa oo loo magacaabay tababaraha cusub ka dib cayrintii Xabi Alonso.
Relano ayaa yiri, “Florentino ma ahan ninkii uu ahaan jiray; dhowaanahan, wuxuu khasaarinayay gool kasta (go’aan kasta oo muhiim ah). Aragtida dadwaynuhu waxay si cad u raacsanayd dhinaca Xabi Alonso. Waxaan si toos ah u aragnay wax kasta oo dhacay, oo ay ku jirto dhibaatadii uu maray.
“Arbeloa ma ahan shakhsi dhiirigelin kara cidna.
“Hadafkiisa ugu dambeeya waa inuu dib u soo celiyo Mourinho. Isagu (Mourinho) hadda wuxuu buuq ka dhex abuurayaa kooxda Benfica, si ay dhab ahaan u cayriyaan.
“Mourinho wuxuu ahaa ninka kaliya ee uu Florentino Perez ku qanacsanaa. Ma la yaabi lahayn gabi ahaanba haddii uu ugu dambeyntii dib u soo celiyo.”