Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Trump oo hoos u dhigay eed loo jeedinaayay Ciidanka amaanka Iran.

Trump oo hoos u dhigay eed loo jeedinaayay Ciidanka amaanka Iran.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa beeniyay in dowladda Tehran qorsheyneyso in ay toogato ama daldalsho dibadbaxayaasha ka soo horjeeda xukuumadda, kadib markii Madaxweyne Trump uu sheegay in loo xaqiijiyay in dilalka dibadbaxayaasha la joojiyay isla markaana xukunno dil ah la hakiyay.


Araghchi oo la hadlay Fox News ayaa yiri “ma jiro wax qorshe ah oo daldalaad ah haba yaraatee,” isagoo ku adkaystay in arrintaasi miiska saarneyn. Hadalkiisu wuxuu yimid xilli Trump uu sheegay inuu ka helay “ilo muhiim ah” dhinaca Iran, ayna muuqato in xaaladdu degayso, inkastoo uusan meesha ka saarin tallaabo milatari.


Khabiirro Mareykan ah ayaa sheegay in Trump uu doonayo inuu ka fogaado dagaal ballaaran, balse laga yaabo inuu sameeyo weerarro xaddidan si uu u muujiyo cadaadis. Dhinaca kale, wararka ayaa tilmaamaya in Mareykanka iyo Ingiriisku ay qaar ka mid ah shaqaalahooda kala baxeen saldhigga Al-Udeid ee Qatar, kadib markii Iran ay uga digtay dalalka dariska in saldhigyada Mareykanka la beegsan doono haddii weerar lagu qaado.


Taliska Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegay in ay “si buuxda ugu diyaar garoobeen” in ay si adag uga jawaabaan Israa’iil iyo Mareykanka, iyagoo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kacdoonnada ka socda dalka.


Dibadbaxyada oo billowday bishii December sababo la xiriira sicir-barar iyo hoos u dhaca lacagta, ayaa isu beddelay kuwo ka dhan ah dowladda.