Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Senegal oo maalin fasax ah gashay kaddib markii xulkooda uu ku guulaystay AFCON 2026

Senegal oo maalin fasax ah gashay kaddib markii xulkooda uu ku guulaystay AFCON 2026

Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye ayaa ku dhawaaqay in Dalkiisa uu maanta oo Isniin ah uu galay fasax aan wax mushahar ah laga jari doonnin shaqaalaha maadaama xulkooda Kubadda Cagta uu xalay ku guulaystay koobka 35aad ee Afrika.

Xulka Senegal ayaa hal gool iyo eber uga badiyay dhiggooda Morocco oo sanadkaan martigeliyay AFCON 2026, guushaan waxa ay ka dhigtay in markii labaad ee taariikhda dalkaan uu gacanta ku dhigay Koobkaan.

Waxaa la sugayaa soo dhaweynta ciyaartoyda Xulka Qaranka Senegal iyada oo la diyaariyay soo dhaweyn heer sare ah, waxaa la fasaxay shaqooyinka iyo goobaha Waxbarashada si garab istaag loogu muujiyo Wiilashada koobka AFCON Dalkaas gaynaya.

Garoomaha Cayaaraha, Maqaaxiyada iyo meelo kala duwan oo Dalka Senegal ah waxaa xalay si wadajir ah ay dadku ugu daawanayaan ciyaarta ka socotay Prince Moulay Abdellah Stadium ee Magaalada Rabat ee Caasimadda Morocco.