Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Wadahadalladii Mareykanka iyo Iiraan oo Fashilmay, Xiisadda Bariga Dhexe oo Markale Cirka Isku Shareertay

Wadahadalladii Mareykanka iyo Iiraan oo Fashilmay, Xiisadda Bariga Dhexe oo Markale Cirka Isku Shareertay

Warbixinno ka imanaya Mareykanka ayaa muujinaya in wadahadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan ay fashilmeen, kaddib markii labada dhinac ay ku kala adkaadeen shuruudaha heshiiska.

Iiraan ayaa ku adkaysatay in ay rabto heshiis caddaalad ku dhisan oo ixtiraamaya madax-bannaanideeda, halka Mareykanku uu ku dheggan yahay shuruudo ay Tehran ku tilmaantay kuwo u adeegaya danaha Israa’iil.

Iiraan ayaa diidday inay sameyso tanaasul weyn, iyadoo sheegtay in dalabyada Mareykanku ay faragelin ku yihiin arrimaheeda gudaha, isla markaana aysan waafaqsanayn sharciga caalamiga ah.

Dhanka kale, waxaa si weyn loo dhaliilay in aan waxba laga hadlin hubka nukliyeerka iyo awoodda militari ee Israa’iil, kuwaas oo khatar ku ah xasilloonida Bariga Dhexe.

Fashilka wadahadalladan ayaa imanaya xilli Mareykanka lagu eedeeynayo inuu doonayo Bariga Dhexe oo dalalkiisu yihiin kuwo awood militari ka maran, taasoo sii xoojinaysa walaaca amni ee gobolka.

Iiraan, dhankeeda, waxay caddeysay in mowqifkeedu yahay is-difaac, haddii la soo weerarana ay ka jawaabi doonto.

Falanqeeyayaal badan ayaa u arka adkaysiga Iiraan mid muujinaya kalsooni qaran iyo diidmo ay ku diiddan tahay cadaadis shisheeye, halka fashilka wadahadalladuna uu muujinayo sida ay u sii murugsan tahay xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee Bariga Dhexe.