Maxkamad ku taal Maraykanka oo is hor is hor istaagtay masaafurinta in ka badan 5 kun oo Itoobiyaan ah
Brain Murphy oo ah Garsoore Federaal ah oo fadhigiisu yahay Bostan ayaa si kumeel-gaar ah u hakiyay go’aanka Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dalkiisa uga masaafurin rabay muwaadiniin Itoobiyaan ah.
Tirada dadka Itoobiyaanka ah ee laga masaafurin rabay Maraykanka ayaa lagu sheegay in ka badan 5 kun oo qof oo qayb ah qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee dib u celinta ajaanibta sida sharci darrada ah ku jooga dalkiisa.
Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xigatay dukumiintiyo iyo caddaymo kala duwan oo la xiriira tallaabadaan waxa ay sheegtay in qorshahaan uu guulaystay isla markaana Maamulka Trump laga hor istaagay fulinta amarkaas masaafurinta ah.
Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka ayaa horraantii Bishii December ee sanadkii 2025 soosaartay go’aan culus oo ka dhan ah ajaanibta si looga saaro Dalkaasina looga qaado Dad magangalyo doon ahaan u tagay Waddankaas.