Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Israel oo Trump ka dalbatay in si deg deg ah meesha looga saaro Uranium-ka Iran.

Israel oo Trump ka dalbatay in si deg deg ah meesha looga saaro Uranium-ka Iran.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa dalbaday in gebi ahaanba meesha laga saaro dhammaan uranium-ka la kobciyay ee Iran, isagoo sheegay in tani ay tahay shardi lama huraan ah oo ku xiran heshiis kasta oo mustaqbalka laga gaaro barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.

Netanyahu ayaa hadalkan jeediyay xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran uu u safray dalka Switzerland, halkaas oo lagu wado inuu ka qeybgalo wareeg cusub oo wadahadallo aan toos ahayn oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, kuwaas oo diiradda saaraya mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka Iran iyo suurtagalnimada heshiis cusub.

Wadahadallada la filayo inay dhacaan Talaadada ayaa la sheegay in ay ka qeybgeli doonaan mas’uuliyiin sare oo Mareykan ah, oo uu ku jiro ergeyga gaarka ah ee arrimaha Bariga Dhexe Steve Witkoff. Warar kala duwan ayaa sidoo kale tilmaamaya in wakiillo kale oo Mareykan ah ay ku lug leeyihiin wada-xaajoodyada, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dhammaan magacyada ka qeybgalayaasha.