Iiraan oo ku hanjabtay haddii Maraykanka uu weerarro in ay beegsan doonto dhammaan saldhigyadiisa Gobolka
Dowladda Iiraan ayaa Warqad hanjabaad ah u gudbisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres taas oo la xiriirta in Xukuumadda Tehran ay qaadayso tallaabo culus oo jawaab u noqon doonta duullaanka uu Maraykanka la damacsan yahay Dalkooda.
Iiraan ayaa si cad u sheegtay in haddii Maraykanka iyo xulufadiisa ay soo weeraraan ay bixin doonnaan jawaabo aanay dalkaas ka gamban waxa ay noqon doonnaan oo ah in bartilmaameed u yihiin Saldhigyada uu Gobolka ku leeyahay.
Farriintaan ayaa si toos ah welwel ugu beertay Dalal dhowr ah oo u badan kuwa Carabta, maadaama Maraykanka uu ku leeyahay Saldhigyo Ciidan isla markaana suuragal ay tahay in lagu dhufto gantaallada halista badan ee Tehran haysato.
Donald Trump ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Xiriirka Bulshada 18kii Bishaan waxa uu Iiraan ugu hanjabay in ay ka qaadi doonnaan tallaab aysan mahdin doonin waa haddii ay diido heshiiska Washington ku qasbayso ee Israa’iil gadaal ka riixayso