Labada aqal ee Baarlamanka FS oo soo afjaray dooda dastuurka
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 21-aad ee kalfadhiga toddobaad ee kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ku wehliyay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyadoo uu diiradda saarayay geeddi-socodka dhammaystirka iyo dib-u-eegista Dastuurka KMG ah.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa sii wadista doodda ku saabsan soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Cutubka Sagaalaad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo si gaar ah uga hadlaya arrimaha Garsoorka.
Cutubkan ayaa ka kooban qodobbada 130-aad ilaa 154-aad, kuwaas oo qeexaya qaab-dhismeedka hay’adaha garsoorka, awoodaha Maxkamadda Sare, magacaabista garsoorayaasha, iyo madaxbannaanida Garsoorka.
Xildhibaannada labada Aqal ee ka qeyb galay kulanka ayaa soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo la xiriira sidii loo xoojin lahaa madax-bannaanida Garsoorka, loo caddeyn lahaa habraacyada magacaabista iyo xil ka qaadista garsoorayaasha, isla markaana loo hubin lahaa in nidaamka caddaaladdu noqdo mid ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan.
Qaar ka mid ah mudaneyaasha ayaa soo jeediyay in la adkeeyo doorka Guddiga Adeegga Garsoorka, halka kuwo kale ay carrabka ku adkeeyeen in la hubiyo in Garsoorku ka madax-bannaan yahay faragelin siyaasadeed.
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan, ayaa marka uu kulanka soo xirayay shaaciyay in si rasmi ah loo soo geba-gabeeyay doodda ku saabsan Cutubka Sagaalaad, taas oo ka dhigan in la dhammaystiray dooddii shanta cutub ee ugu horreysay ee Baarlamaanku ka yeeshay qabyo-tirka dastuurka.
Wuxuu tilmaamay in marxaladda xigta ay tahay in Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ay soo ururiyaan, kala shaandheeyaan, isla markaana isku dubbaridaan talooyinkii iyo aragtiyihii la soo jeediyay.
Tallaabadan ayaa muhiim u ah geeddi-socodka dhammaystirka dastuurka, maadaama ay saldhig u tahay dhismaha nidaam garsoor oo lagu kalsoonaan karo, kana jawaabi kara baahiyaha dowladnimo ee dalka.
Waxaa la filayaa in marka Guddiyadu soo diyaariyaan nuqul mideysan oo lagu saleeyay doodihii xildhibaannada, loo gudbo marxaladaha xiga ee ansixinta iyo meel-marinta wax-ka-beddelka dastuurka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dhammaystirayo dastuurka dalka, si loo helo dastuur qeexan oo si buuxda u hagaya hay’adaha dowladeed iyo nidaamka federaalka Soomaaliya.