Xogta kulanka seddexda hogaamiye ee sababtay in weerarku dhaco sabtidii.
Sirdoonka Israa’iil iyo Maraykanka ayaa sugayay fursaddan in ay mar soo marto. Hada waxa ay heleen fursad mar la arag ah.
Subaxnimadii Sabtida, waxay heleen xog ku saabsan Khamenei iyo laba kulan oo kale oo madax sare ah oo isku mar socda.
Fursaddan oo kale ayaa ahayd mid aad u naadir ah, sidaas darteed laguma sugi karin habeenka.
Diyaaradaha Israa’iil ayaa ku tuuray 30 bam gudaha guriga hoos u qodon ee Khamenei.
Sidoo kale, waxaa la dilay La-taliyaha Ammaanka Ali Shamkhani, Taliyaha Ilaalada kacaanka Mohammad Pakpour, iyo Wasiirka Gaashaandhigga Amir Nasirzadeh.
Habeenkii Khamiista, Kushner iyo Witkoff waxay waceen Trump iyaga oo u sheegay in wada-hadalladu fashilmeen.
Iran ma joojin doonto ururinta uranium mana dhiibi doonto gantaallada.
Sirdoonka ayaa sidoo kale muujiyay in Tehran ay ka fiirsanaysay in ay weerar ku soo qaaddo bartilmaameedyo Mareykan ah marka hore.
Subaxnimadii Sabtida, 200 oo diyaaradood oo Israa’iil ah ayaa weeraray 500 bartilmaameed, taasoo ahayd ololaha cirka ugu weyn taariikhda Israa’iil.
Israa’iil ayaa sidoo kale jabsatay adeega isgaarsiinta Iran, waxayna fariimo u direen ciidamada si ay u jaha wareeriyaan:
“Fursada ayaa sidaas ku timid.”