Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League
Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa aaminsan in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League si kasta oo ay noqotaba.
Ferdinand ayaa saadaashan sameeyay isagoo ka hadlayay qeybtii ugu dambeysay ee podcast-kiisa.
Ka hor kulamada Arbacada, kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxay shan dhibcood ka sarreeyaan Manchester City.
Arsenal waxay marti u noqon doontaa Brighton & Hove Albion, halka City ay garoonkooda ku soo dhoweynayaan Nottingham Forest iyadoo tartanka horyaalku sii kululaanayo.