Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Soosaarista Diyaaradaha aan duulliyaha lahayn & hubka casriga ah oo sii kordhay

Soosaarista Diyaaradaha aan duulliyaha lahayn & hubka casriga ah oo sii kordhay

Waxaa sii kordhay samaynta diyaaradaha duulliye la’aanta ah ee qaraxyada xooggan gaysanaya kuwaas oo awooda in ay isaga kala gudbaan dalal xitaa fogaantoodu dheer tahay si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara diyaaradaha kale ee wax duqeeya.

Sidoo kale, waxaa kordhay Qalabka ciidanka iyo hubka casriga ah iyada oo dalalka awoodda u leh soosaarka ay qaadeen tallaabooyin isugu jira soosaarashada si ay isugu difaacaan haddii la beegsado iyo in ay ka iibiyaan waddamada dhaqaalaha leh ee aan samayn Karin.

Dalka Iiraan ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya xaddiga farsamaynta diyaaradaha duulliye la’aanta ah ee qaraxyada ka fulinaya meelo ka baxsan dalkeeda, waxaa la sheegay in maalintii ay soosaarto in ka badan kahor duullaanka lagu qaaday.

Dalalka Ruushka, Shiinaha, Kuuriyada Waqooyi, Maraykanka iyo kuwo kale ayaa waqti geliyay sidii ay usoo saari lahaayeen Hub casri ah sida kuwa difaaca iyo kuwa ka gudbi kara dhulka fog ee lagu beegsan karo meelaha bartilmaameedka ah.