Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Iiraan oo dishay Nin ku eedeysan in uu Basaas u ahaa Israa’iil

Iiraan oo dishay Nin ku eedeysan in uu Basaas u ahaa Israa’iil

Maxkamad ku taalla Iiraan ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin lagu magacaabo Kurush Kiwani oo muddo gacanta ugu jiray sirdoonka Iiraan si ay usoo dhammaystiraan xogta ay ka diiwaangelinayeen sida dadkii ku xiray sirdoonka Mossad iyo halkii uu safarkiisa kasoo billaabay.

Sida ay tabisay Wakaaladda Wararka Iiraan, Ninkaan waxaa sanadkii 2023 uu la kulmay xubno katirsan Sirdoonka Israa’iil oo xiligaas ka warqabay safar uu ku tagi rabay Dalkaas, waxaa loo diray Linki ama lifaaq xayaysiin ah oo lagu dahaaray xogo sirdoon.

Intaas kaddib waxa uu la kulmay nin aad u garanaya Luuqadda Faarisiga ee Iiraan looga hadlo kana tirsan Mossad waxaana uu siiyay lacag uu u adeegsanayo safarkiisa Iiraan isaga oo kafaallo qaaday kharash weliba oo ku baxaya socdaalkiisa si loo gaaro hadalka sirdoon ee la rabo.

Kulan ka dhacay Magaalada Berlin ee Caasimadda Dalka Jarmalka ayaa Kurush Kiwani lagu soo ambabixiyay iyada oo ugu dambayn uu tagay Iiraan, waxa uu billaabay in uu muuqaallo ka duubo goobo sir ah isaga oo iska dhigaya dalxiise ama booqde.

Dagaalkii socday dhowr iyo tobanka cisho ee ka horreeyay kan hadda socda ayuu qayb ka qaatay isaga oo sawirro, muuqaallo iyo macluumaad kale la wadaagay ninkii ay isku xirnaayeen ee Ben balse waala qabtay ugu dambayn.

Maanta oo ah 18ka Maarso 2026 ayaa la dilay sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Maxkamadda Dalka Iiraan, waxaana weli xiran dad kale oo lagu hayo howlo basaasnimo lana shaqeynaya sirdoonka Israa’iil iyo Maraykanka si ay u tagaan goobaha bartilmaameedka u ah.