Arne Slot Oo War Farxad Leh Ka Soo Saaray Dhaawaca Hugo Ekitike
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa ka war bixiyay xaaladda dhaawac ee Hugo Ekitike iyo Alisson Becker kadib guuldarradii ay kala kulmeen Brighton & Hove Albion.
Slot ayaa xaqiijiyay in Alisson uu maqnaan doono inta lagu jiro fasaxa caalamiga ah:
“Alisson si xaqiiqo ah wuxuu maqnaan doonaa inta lagu jiro fasaxa caalamiga, kadibna waan arki doonaa xaaladdiisa.”
Dhanka Hugo Ekitike, Slot ayaa dejiyay walaaca, isagoo sheegay in dhaawaciisu uusan ahayn mid culus:
“Hugo, waxaan u maleynayaa inuu ciyaari karo berri haddii loo baahdo. Waa jug fudud sida aad u taqaaniin.”
Wuxuu sidoo kale sharaxay sida dhaawaca ku yimid: “Brighton waxay sameeyeen wixii aan filaynay. Waxay ciyaarta ka dhigeen mid adag oo degdeg ah, gaar ahaan iyadoo aan helnay nasasho yar. Isku dhacaas ayaa sababay inuu Hugo baxo goor hore.”
Warbixintan ayaa wax yar yareyneysa walaaca Liverpool ee ku saabsan Ekitike, balse maqnaanshaha Alisson Becker ayaa weli ah dharbaaxo weyn oo kooxda ah.