Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Guddiga doorashada Koofur Galbeed oo shaqadiisa bilaabay.

Guddiga doorashada Koofur Galbeed oo shaqadiisa bilaabay.

Gudiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Dowlad goboleed Koonfur Galbeed, oo dhawaan ay magacaabeen Madaxweyne Laftagareen, ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee gobolka, si looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka.

Guddigan ayaa ku jira muran siyaasadeed, maadaama ay jiraan khilaafyo u dhexeeya madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku saabsan magacaabistooda iyo awoodaha ay leeyihiin.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyay doorka odeyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin hirgelinta doorashooyin hufan, wacyigelinta bulshada, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka dadweynaha. Waxaa sidoo kale si qoto dheer looga hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa si doorashooyinku u dhacaan si nabad iyo cadaalad leh.

Gudiga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga dhow ee u dhexeeya hay’adaha dowliga ah iyo bulshada, gaar ahaan odeyaasha dhaqanka oo laf-dhabar u ah nabadda iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.

Odeyaasha dhaqanka ayaa kulanka soo dhoweeyay, waxayna muujiyeen diyaar-garow buuxa oo ay ku taageerayaan hannaanka doorashooyinka, iyagoo ku baaqay in la sii wado wada-tashiyada noocan oo kale ah si loo xaqiijiyo doorashooyin hufan oo shacabka lagu qanci karo.