Warbaahinta Dowladda Iiraan ayaa shaacisay in dowladda ay si cad u diiday dalabaadkii iyo shuruudihii uu soo jeediyay Mareykanka ee la xiriiray soo afjaridda dagaalka socda ilaa laga aqbalo shan shuruudood oo miiska u saaran.
Ilo amni oo aan la magacaabin ayaa warbaahinta u sheegay in Iiraan ay awood u leedahay inay joojiso dagaalka wakhti kasta, balse arrintaasi ay ku xirnaan doonto fulinta ama aqbalidda shuruudaha ay iyadu dhigatay.
Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa marar badan ku celceliyay inaysan danaynayn xabad joojin ku meel gaar ah, balse ay doonayaan in si buuxda loo soo afjaro colaadda, loona helo xal waara oo rasmi ah.
Sidoo kale, warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixisay shan qodob oo ay Iiraan ku xirtay joojinta dagaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
In si degdeg ah loo joojiyo weerarrada iyo dilalka ka dhanka ah dalka
In la dejiyo hannaan cad oo ka hortagaya in dagaal kale mustaqbalka dib uga bilowdo
In la xaqiijiyo bixinta magdhowga khasaaraha ka dhashay colaadda
In la joojiyo dagaallada kale ee ka socda gobolka iyo faragelinta kooxaha la xiriira
In si rasmi ah loo aqoonsado madaxbannaanida Iiraan ee marin biyoodka Hormuz Strait
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Mareykanku uu wado dadaallo uu ku doonayo inuu qayb uga noqdo wadahadallada, balse Iiraan ay ku tilmaantay dalabaadkaas kuwo adag oo aan si sahlan loo aqbali karin.


